Wasiir Oomaar iyo Fahad Yaasiin Daahir oo dacwad laga gudbinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Senatorada kala ah; Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Farataag] iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa shaaciyey in ay dacwad ka gudbinayaan Wasiirka Duulista Hawada iyo taliyaha hay'ada NISA.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo taliye Fahad Yaasiin Daahir ayay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen talaabo looga reebay diyaarad ay la socdeen oo kusii jeeday Kismaayo kana bixi lahayd Muqdisho.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa ka qeybgeli lahaa Aaska Wasiirka Waxbarashadda Jubbaland kaasoo todobaadkii hore ku dhintay Hindiya.

Farataag oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ugu baaqay gudoonka labada aqal ee baarlamaanka in uu dardargeliyo dacwadda.

"Illaa iyo Maxkamadda Sarre ayaan isla tagi doonaa, maadaama aysan jirin maxkamadii dastuuriga ahayd," ayuu hadalkiisu ku daray.

Iftiin oo sheegay in ku dhowaad afar saacadood ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha ayaa rumeysan in diyaaradda "looga dejiyey 'waxaad ka aragti duwan tihiin madaxda dowladda, taas oo aan ka xunahay".

Madaxweyne Farmaajo ayay xusuusiyeen in uu guto waajibaadkii loo doortey "oo ay kamid tahay in uu wax ka qabto amniga, Coronavirus, colaad-beeleedyadda soo cusboonaadey kana hadlo shilkii Berdaale".

Taliska NISA iyo wasaaraadda duulista hawadda ayaanan wali ka jawaabin eedeynta uga timid labada Senator. Xiriiro lala sameeyo kama jawaabin wicitaanka.

Xildhibaanadan ayaa degaan doorashadoodu waxay tahay Jubbaland. Mana noqoneyso markii ugu horeysay oo hay'adda nabad-sugiga ay xayiraad noocaan ah ku sameyso mas'uuliyiin, siyaasiyiin iyo madax horey.

MUUQAALKA SENATORADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM