Wasiirka arrimaha dibada oo weeraray Puntland iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa wuxuu mar kale wuxuu si siyaasadeysan u dhaleeceeyay hogaamiyeyaasha dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

Isaga oo ka hadlayey shirkii Golaha Ammaanka UN-ka ee qabsoomay Isniintii, Mr Cabdirisaaq oo degaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa si caddeyn la’aan ah maamulada ugu eedeeyay "kicinta kacdoon".

Mudaaharaadkii ku qabsoomay Jimcadda todobaadkii hore ee Midowga Musharaxiinta abaabuleen ayuu xusay in ay qeyb ka ahaayeen, isaga oo ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo cad-cad.

Wasiirkan ka tirsan xukuumadda federaalka ee waqtiga ka dhacay ayaa kusoo celiyey erayo uu horey u sheegay oo ahaa in Garowe iyo Kismaayo ay “caqabad" ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September.

"Mudane Madaxwayne, waxaa wax aad looga xumaado ah labadii hogaamiye Dawlad Gobaleed [Puntland iyo Jubaland] oo gadaal ka hayay qalankii heshiiskii 17-kii September, islamarkaasna ahaa kuwa caqabad joogta ku ah in isla heshiiskaasi uu fulo, ayaa mar kale waxay diideen in ay ka soo qayb-galaan shirkii dame, mar labaad waxay doorteen iyo in ay rahmad u haystaan rajada umada Soomaaliyeed in la helo xasilooni," ayuu sheegay isaga oo ka hadlayey shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu ku daray: "Labada hogaamiye ayaa dadaal ugu jira in ay helaan xil-wareejin si aan dimuqraadiyada waafaqsanayn ku dhacda".

"Laakiin xaqiiqdu waxay tahay, halkii laga filayay labada hogaamiye in ay Moqdisho ugu soo safraan ka qayb galka shirka wadatashiga dawladaha xubnaha ka ah qaranka, waxay go’aansadeen in ay qorsheeyaan kacdoon ay qabanayaan midoowga musharaxiinta oo daba-marsan in loo qabto si waafaqsan nadaamkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay raali ka ahayd," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Cabdirisaaq.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya saacado kadib markii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu jeediyey khudbad uu kusoo bandhigay "wejiga qarsoon" ee Farmaajo iyo macluumaadyo ay kamid tahay wadahadalo dhanka telefoonka ah oo labadda hogaamiye si gaar u dhexmaray.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay ku milantay siyaasadda arrimaha gudaha iyo doorashooyinka, iyadda oo ay noqotay aalad uu Farmaajo u adeegsado ololihii coddeynta federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM