Wasiir Cawad oo magaalada Dooxa kula kulmay dhigiisa Qadar

Image

DOHA, Qadar - Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqasho ku tagey Qadar, halkaasi oo kulamo kula qaatey mas'uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda dalkaasi.

Wakaaladda Wararka ee Qadar [QNA], ayaa sheegtay in Cawad uu Doha kula kulmay dhigiisa dalkaasi, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

QNA ayaa intaasi ku dartay in labada wasiir ay diiradda ku saareen kulankooda qodobo dhowr ah, oo khuseeya danaha ka dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Qadar.

Booqashadda Cawad ee Doha ayaa timid labo bilood kadib markii dowladda Federaalka ay heshiis dhinaca militeriga la saxiixatay Qadar, kaasoo ay ku xoojinayaan xiriirka dhinaca difaaca.

Horaantii sanadkan 2019, dowladda Qadar ayaa Muqdisho kasoo dejisay 67 baabuurta gaashaaman, oo ay ugu deeqday ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Xiriirka Villa Somalia ee Qadar ayaa xoogeystay kadib markii Xukuumadda Khayre ay u weecatay dhinaca dalka Carbeed markii ay xiriirka u jareen dowladaha Khaliijka ugu waaweyn, sida Sacuudiga iyo Imaaraadka June 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM