Wasiirka difaaca Kenya iyo Taliyaha KDF oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Somalia

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya haweenayda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa todobaadkan booqasho aan horey loo shaacin oo qarsoodi ah ku timid Soomaaliya.

Raychelle Omamo oo uu wehlinayay Taliyaha ciidamada Kenya, General Samson Mwathethe ayaa booqday saldhigyo military oo ay ku sugan yihiin ciidamada KDF oo ku kala yaalla Manda, Hulugho iyo Kolbiyow.

Ujeedka booqashada Wasiirka difaaca iyo Taliyaha ciidanka Kenya ayaa lagu micneeyay inay la wadaagaan farxada ciidan masiixiga ee "Christmas" iyo inay niyad dhis u sameeyaan maadaama ay ku jiraan dagaal dalkooda ku difaacayaan.

"Waxaan halkan u nimid in aan adinla wadaagno farxadda Chrismas, ragga iyo dumarka waxaad tihiin geesiyaal dalkooda difaacaya, shacabka Kenya aad ayay adinka fanaan. Waxaad u istaagteen, una dagaalamaysaan inaad dalkiina hooyo ka difaacdaan khatarta Al Shabaab iyo hanjabaadaha adinkoo wajahaya caqabado waaweyn. Waxaan idiinka mahad celineynaa allabaryada aad sameynaysaan howl naf-hurnimo ah, "ayuu tiri Raychelle oo la hadlayay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegtay in safarkeeda uu qeyb ka yahy u kuu-gelidda xaaladda nololeed ee Ciidamada iyo inay dhageysato taliyayaasha si Wasaaradda difaaca uga soo dhalaasho mas'uuliyadeed daryeelka ciidamada iyo bixinta xuqooqdooda asaasiga ah.

Raychelle ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay hureen naftooda si ay uga difaacaan dalkooda weerarada Al Shabaab oo dhaawacay dhaqaalaha dalkaasi, kadib markii uu xirmay dalxiiskiisa, oo il-dhaqaale u ahayd.

Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo Taliyaha ciidamada dalkaasi ay ku yimaadeen gobollada Jubbooyinka ayaanana la ogeyn in lagu soo wargeliyay dowladda Federaalka, oo aan gacanta ugu jirin maamulka xuduudaha dalka, badda, barriga iyo cirka.

Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa khasaaro xooggan kasoo gaarey howlgalka Soomaaliya, iyagoo askar aad u badan looga dilay weeraro Al Shabaab ku qaadey Ceel-Cadde iyo Kulbiyow.

Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay in gudaha Soomaaliya ka dhistay maamul goboleeda [Jubbaland] ay ka difaacdo dalkeeda, islamarkaana ciidamadeeda ay u joogaan danaha qaranka dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM