Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo booqasho ku yimid Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Turkiga oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee wadankaas, Hulusi Akar ayaa soo gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, galabnimada maanta oo Arbaco ah.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa madaarka caalamiga ah ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka difaaca iyo xubno kale.

Soo dhawaynta kadib, wafdiga waxaa loos galbiyey gudaha magaalada, gaar ahaan dhinaca Madaxtooyadda, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doonan mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Dhinacyadda ayaa la filayaa inay kawada hadlaan arrimo ku saabsan amniga iyo sidii loo xoojin lahaa cilqaadka dhanka ciidanka ee u dhaxeeya labadda dowladood oo uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Dowladda Turkiga ayaa muddo dheer taageero dhinac kasta ah siinaysay dowladda Soomaaliyam waxaana ay sanadkii hore ka furatay duleedka Muqdisho Saldhiga ugu wayn oo ay ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda.

Saldhigaas oo ku yaalla degaanka Jaziira ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho ayaa waxaa tababar lagu siiyaa ciidamo Soomaali ah, kuwaasi oo loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Turkiga ayaa xiriir la leh Qadar, oo June 2017 ay xiriirka u jareen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagisadda, inkastoo Xukuumadda Doha beenisay eedeyntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM