Wasiirka Maaliyadda Somalia oo war kasoo saarey deymaha dalka lagu leeyahay

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Maaliyadda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in dowladda uu rajo wanaagsan ka qabo in sanadkaan laga cafiyo dalka daymaha tirada badan ee looga leeyahay caalamka.

In ka badan 5-bilyan oo Dollar-ka Mareykanka ayaa la sheegay inay gaareyso lacagaha Somalia lagu leeyahay, taasi oo isugu jirtay mid ay qaateen dowaldihii ugu dambeeyay iyo kuwii bari-samaadkii.

Wasiir Balye oo aanan meesha ka saarin inay imaan karto dib-u-dhac ku yimaada qorshaha dayn cafinta ayaa tibaaxay inay ka qaybgeli doonan shir, kaasi oo looga hadli doono arrintaani, isaga oo qaranka urajeeyay wax wanaagsan.

"Sanadkaan 2019-ka waa midkii kala guurka, waa midkii lasoo gabagabeynayay qorshaha dayn cafinta, hadii mid kale ay timaadana waa inyar oo kooban," ayuu Bayle yiri.

Dhinaca kale, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirka shaaciyay in dakhliga dalka uga soo raxaata Canshuuraha gudaha uu sare ukac balaaran sameeyay, wuxuuna kalsooni ka muujiyay inay halkaasi kasii socoto.

"2017-kii waxaa lasoo uruuriyay 142-kun, sanadkii 2018-kii waxaa lasoo uruuriyay 184 milyan..waad garan kartaa farqiga udhaxeeya, marka boqoley aan udhigno waxaa korotay 64%," ayuu wasiirku u sheegay wariyaasha.

Inkasta oo Somalia aysan dhaqaalo ahaan la baratami karin dalalka dariska si loo gaaro himiladaasi fog, wasiiru wuxuu ku tartarsiiyay muwaadiniinta inay bixiyaan canshuurta, oo ay ka jaraan nolashooda caadiga ah.

Ugu dambeyntii, dowladda ayuu sheegay in si lamid ah sidda sanadkii horey ay ugu guuleystay inay bixinta mushaarka shaqaalaha ay urajeynayso in midkaan cusub ay uhelaan howlwadeeda xaqii ay lahaayeen.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE BEYLE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM