Wasiirka Maaliyadda Somalia oo war kasoo saarey deymaha dalka lagu leeyahay

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Maaliyadda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in dowladda uu rajo wanaagsan ka qabo in sanadkaan laga cafiyo dalka daymaha tirada badan ee looga leeyahay caalamka.

In ka badan 5-bilyan oo Dollar-ka Mareykanka ayaa la sheegay inay gaareyso lacagaha Somalia lagu leeyahay, taasi oo isugu jirtay mid ay qaateen dowaldihii ugu dambeeyay iyo kuwii bari-samaadkii.

Wasiir Balye oo aanan meesha ka saarin inay imaan karto dib-u-dhac ku yimaada qorshaha dayn cafinta ayaa tibaaxay inay ka qaybgeli doonan shir, kaasi oo looga hadli doono arrintaani, isaga oo qaranka urajeeyay wax wanaagsan.

"Sanadkaan 2019-ka waa midkii kala guurka, waa midkii lasoo gabagabeynayay qorshaha dayn cafinta, hadii mid kale ay timaadana waa inyar oo kooban," ayuu Bayle yiri.

Dhinaca kale, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirka shaaciyay in dakhliga dalka uga soo raxaata Canshuuraha gudaha uu sare ukac balaaran sameeyay, wuxuuna kalsooni ka muujiyay inay halkaasi kasii socoto.

"2017-kii waxaa lasoo uruuriyay 142-kun, sanadkii 2018-kii waxaa lasoo uruuriyay 184 milyan..waad garan kartaa farqiga udhaxeeya, marka boqoley aan udhigno waxaa korotay 64%," ayuu wasiirku u sheegay wariyaasha.

Inkasta oo Somalia aysan dhaqaalo ahaan la baratami karin dalalka dariska si loo gaaro himiladaasi fog, wasiiru wuxuu ku tartarsiiyay muwaadiniinta inay bixiyaan canshuurta, oo ay ka jaraan nolashooda caadiga ah.

Ugu dambeyntii, dowladda ayuu sheegay in si lamid ah sidda sanadkii horey ay ugu guuleystay inay bixinta mushaarka shaqaalaha ay urajeynayso in midkaan cusub ay uhelaan howlwadeeda xaqii ay lahaayeen.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE BEYLE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM