Wasiirkii hore ee Amniga oo jawaab kulul ka bixiyay Dacwad ay NISA ka gudbisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa gaashaanka u daruurey eedeymo ay usoo jeedisay hay'adda Nabad Sugida dowladda Federaalka [NISA].

Cabdirisaaq oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa ku tilmaamay eedeymaha NISA dayaacad raqiis ah, oo la doonayo in isaga lagu cabsi geliyo, waxaana uu iska fogeeyay inuu lunsadey dhaqaale loogu talo-galay hay'addan xilligii uu Wasiirka ahaa.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in NISA ay hadda noqotay mid hogaankeeda gacanta u galay shaqsiyaad xiriir dhaw la leh Al-Shabaab, kuwaasoo lagu aaminay amaanka dalka.

Jawaabtan ayaa timi kadib markii NISA ay shaacisay shalay inay hakisay qandaraas uu mas'uulkan saxiixay 2015-kii, kaasi oo la siiyay hay'adda fadhigeedu yahay Muqdisho, oo shaqooyin dhanka loojististikada u qabaneysay hay'addan sirdoonka DF.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan 9 milyan oo dollar ayaa waxay NISA sheegtay in gebi ahaantiisa ay joojisay, islamarkana kiiskiisa uu gubisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyo kuwa kale ee khuseeyo si baaritaan loogu sameeyo.

Dib usoo cusbooneysiinta kiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirkii hore ee amniga, ahnk mudane katirsan Baarlamanka uu ku biiry siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM