Wasiiro iyo Xildhibaano qaadacay ansixinta metelaada gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaadacay ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Sharci-dejiyeyaashaan oo ku midoobay "Kutladda Sharci Dhowr" ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin metelaad uu helo gobolka balse ay qoonsadeen hanaanka loo maray.

Mudaneyaasha oo saxiixyadooda la wadaagay warbaahinta kadib kulan ay ku yeesheen magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ayaa wadar ahaan waxay tiradoodu gaareysaa 70.

Xeerka metelaada gobolka Banaadir oo Golaha Shacabka maanta meelmariyey ayaa gobolka siinaya 13 xubnood, taas oo wadarta guud ee golaha Senate-ka ka dhigeysa 67 mudane.

Xildhibaanada diidan xeerkaan ayaa cuskanaya in ay muhiim tahay in la helo maqaamka Muqdisho kahor inta aan la raadin metelaad siyaasadeed, doodaas oo ay siyaasiyiin taageereen.

Hindisahaan oo Madaxtooyadda ay gedaal ka riixeyso ayaa  kasoo horjeeda dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre ay tahay 54 xubnood.

Ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir ayaa xoojinaysa shakiga ku geedaaman in uu waqtigiisa ku qabsoomi karo shirka uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamuladda.

Hoos ka akhriso qoraalkooda iyo saxiixa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM