Wasiiro ka degay Jowhar xili ay jirto xiisad ka dhalatay fashilka Imtixaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ay horkacayaan wasiirada amniga iyo waxbarashada xukuumada federaalka ah ayaa maanta oo Sabti ah ka degay magaaladda Jowhar, xarunta maamulka HirShabelle.

Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan hogaanka ugu sareeya dowlad goboleedka HirShabelle.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa sidoo kale qayb ka ah wafdiga oo garoonka caasimada goboleedka Shabeellaha Dhexe ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin.

Wali lama shaacin ujeedka booqashada lama filaanka ah ee wafuudaan ay ku gaareen magaaladda Jowhar, inkasta oo ay kasoo baxayaan warar horudhac ah waxa uu ku qotomo.

Illo wareedyo ayaa tilmaamaya wasiirada ay ku baxeen qaboojinta xiisad culus oo ka dhalatay Imtixaankii fashilmay ee dowlada federaalka ah kaasi oo la laalay, isla markaana dib loo galayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas'uuliyiinta ayaa isku deyaan in ay ku qanciyaan madaxda HirShabelle in ay ka qaybgalaan Imtixaanka dib loo qaadayo, maadaama mar sii horeysay go'aan uga soo baxay.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha HirShabelle, oo faray kormeereyaasha dowladdu soo dirtay in ay ka baxaan degaanada maamulkaasi ayaa shaaciyay in Imtixitaanka ay iyaga maamulan doonan.

Waare ayaa magacaabay Guddi kasoo talo bixiya arrimaha Imtixaanaadka, kaasi oo Jimcadii la kulmay bahda waxbarashada, iyaga oo kala hadlay arrimo quseeya sidii loo qaadi lahaa.

Mas'uuliyiintan ka degay magaaladda Jowhar ayaa degaan doorashadoodu waxay tahay HirShabelle, waxayna xukuumada u muuqataa mid adeegsanaya siyaasad xeeladeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM