Weerar cirka iyo dhulka ah AlShabaab "looga burburiyay" Saldhigyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed qaybta Jubbaland ayaa shaaciyay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, saacadihii lasoo dhaafay.

Gaashaanle sare Mahad Maxamed Islaam, oo kamid ahaa saraakiisha hogaamineysa howlgalka oo isugu jira weerar dhulka iyo cirka ah ayaa daboolka ka qaaday inay beegsadeen Saldhigyo ay Shabaab ku laaheeyeen tuulooyinka Weel-maare iyo Sun-bow.

Saldhigyo ay Al-Shabaab ku qorsheynayeen inay kasoo qaadaan duulaano ay ku ekeeyaan degaanada ku dhow degmada Afmadow ayuu tilmaamay Gaanshaanle Mahad inay ku burburiyeen, isaga oo tibaaxay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada difaaca ee dowladda Kenya, gaara ahaan kuwa qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ayuu cod dheer ku qeexay inay qayb ka ahaayeen howlgalkaan, wuxuuna ku bogaadiyay shacabka doorka ay ka qaateen duulaankaan qorsheysanaa.

"Ciidamada xooga dalka, oo kaashanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM waxay ku qaadeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen weeraro, halkaasina lagu burburiyay, shacabka ayaan kaalin ka qaata weerarka," ayuu Mahad u sheegay.

Gaanshaalaha ayaa wacad ku maray inay sii laba jibaari doonan Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo afka ku balaariyay in Saldhigyadda ay ku burburiyeen howlgalkaan laga soo qaaday weeraro dhowr ah oo ka dhacay degaanada Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa qayb ka ah Guluf balaaran oo ka socda degaanada kala duwan ee maamulada dalka, taasoo ujeedkiisu yahay si Al-Shabaab looga saaro degaano iyo degmooyinka ku hoos jira maamulkooda ee ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM