Weerar culus oo ka dhacay duleedka Baydhabo [Fahfaahin]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Fahfaahino kala duwan ayaa laga helayaa weerar Al-Shabaab ku qaadeyfariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay, koonfurta Soomaaliya.

Duulaanka, oo ahaa mid culus, kaasi oo ka dhashay iska hor-imaad fool ka fool ah, oo laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayey dadku degaanka kusoo waramayaa inuu socdo illaa iyo haatan, inkasta oo aanan la hubin khasaaraha dhabta ah.

Mas'uuliyiin Koonfur Galbeed ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in ciidamo ka baxay caasimadda KMG dowlad goboleedkan loo diray dhinaca meesha ay wax ka dhacayaan, si ay gurmad iska caabin ugala hortagaan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in xaalada degaanka ay tahay mid kacsan, islamarkaana dadka ay bilaabeen inay isaga barakacaan iyaga oo cabsi ka qaba inay waxyeelo kasoo gaartay Hubka culus oo ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan.

Degaanka Daynuunay oo tiro dhowr jeer weeraru loogu qaadey ayaa qiyaastii dhowr kilometer wuxuu ujiraa Baydhabo, halkaasi oo todobaadkan uu ka dhaceen qaraxyo wayn, kuwaasi oo galaaftay nolasha in ka badan 20 ruux oo shacab ah.

Weeraradaan ayaa imaanaya xili Koonfur Galbeed ay galayso doorasho, oo murashaxiin kala duwan ay ku baratamayaan, kuwaasi oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow, kaasi oo horey usoo noqday hogaamiye ku xigeenka iyo Afhaeenka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM