Weerar lagu dilay mas'uul iyo ilaaladiisa oo ka dhacay Hiiraan

Image

MATABAAN - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo maanta oo Axad ah ay Rag hubeysan ku qaadeen Kolanyo gadiid ah oo galbineysay Gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan degmada iyo gobolka ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in weerarkaan lagu dilay Gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan oo lagu magacaabi jiray, Faarax Dheere.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen meydka saddex kamid ah Ilaalada Faarax, kuwaasoo iyagana lagu dilay weerarkaan, oo xigay Is-rasaasayn dhex-martay labadda dhinac.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaan, balse, xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa looga bartay inay beegsadaan Gawaarida galbisa madaxda gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, tani waxay imaaneysaa iyada gobolka Hiiraan gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso Beelo walaalo ah, kuwaasoo todobaadyadii u dambeeyay dagaal dhexmaray.

Ma cadda hadii dilka Gudoomiye ku xigeenka ay la xiriirto colaad beeleedka, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka ay ka gaabsadaan inay tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan arrinkaan ay siiyaan war-fidiyeenka.

Soomaaliya oo safka hore kaga jirta dalalka ugu amniga xun caalamka ayaa lagu beegsadaan mas'uuliyiinta dowlada, wariyeyaasha, shaqsiyaad caanka ah iyo cid kasta oo loo xagliyo inay xiriir la leedahay dhinaca xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM