Weerar lagu qaadey huteel caan ah oo ku yaala magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Weerar ku bilowday qarax xoogan ayaa Jimcada maanta ah laga soo warinayaa magaaladda dekadda leh ee Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in duulaanka lagu beegsaday huteel caan ah kaasi oo lagu magacaabo Maamuus isla markaana horey loo oran jiray Cas-casey Hotel.

Dabley aad u hubeysan ayaa gudaha gashay kadib qaraxa, inkasta oo ay iska caabin kala kulmeen ciidamadda ammaanka ee ilaalada ka hayey huteelkaasi.

Kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa durba dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadan oo ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta maamulkaasi.

Fahfaahinada ayaa waxay intaasi ku dareysaa in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka, wallow aanan la xaqiijin karin tiradda saxda ah.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay si ay u soo daabulaan dadka wax ku noqdey si loo badbaadiyo noloshooda.

Weerarka ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo la filayo in bartamaha bisha Agoosto 2019 ay Jubbaland ka qabsoonto doorashadda madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM