Weerar lagu qaadey saldhigga ciidamada Kenya ee Kulbiyow

Image

KULBIYOW, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa maalintii shalay weerar culus ku qaadey saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Kulbiyow, ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa madaafiicda garbaha laga rido [RPG] ku garaacey saldhigga kahor inta aysan dagaal la gelin ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan, waxaana labada dhinac soo gaarey khasaarooyin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la kulantay iska-caabin, maadaama ciidanka Kenya horey ugu jireen feejignaan ku aadan weerarada Kooxdan qorsheynayso inay ku beegsato saldhigyada AMISOM xilliga ay ku gudaha jiraan Ciida Kirismiska.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland ee jooga gobolka ayaa sheegay in xaaladda degaanka Kulbiyow ay degan tahay maanta, islamarkaana ay ciidanka Kenya sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka.

Guutada Saleh al Nabhan ee katirsan Al-Shabaab ayaa 27-kii January 2017, weerar culus ku qaadey saldhigga Kulbiyow, waxayna ku dileen askar lagu qiyaasay 40 illaa 67, iyagoo sidoo kale nolosha ku qabtey dhowr Askari oo qaarkood ay dileen mar dambe.

Kulbiyow waa saldhiga labaad ee ciidamada Kenya ku leeyihiin Soomaaliya, marka laga soo tago Ceel-Cadde oo 15-kii January 2016 Al-Shabaab weerar ku qaadey, halkaasi oo looga dilay Kenya askartii ugu badnayd tan iyo markii ciidankeeda soo galeen dalka 2011-kii.

Todobaadkii hore, taliyaha ciidanka difaaca Kenya ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagey saldhigada ciidanka dalkiisa ka socda, si uu ugu sameeyo dhiira-gelin, islamarkaana ugala qeyb-qaato Ciida Kirismiska.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo markii ay soo galeen Soomaaliya 9 sano kahor ku guuleysan waayay inay Al-Shabaab ka saaraan guud ahaan gobollada Jubbooyinka oo Kooxda ay aad ugu awood badan tahay, lana sheegay inay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasheeda ugu sareeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM