Weerarkii Al-Shabaab ee Hotel SYL oo la sheegay in "la fududeeyay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiin hore iyo siyaasiyiin ayaa sheegay "in la fududeeyay" weerarkii Al-Shabaab ee huteel SYL, oo dhimasho badan dhaliyey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta, ayaa xusay "in argagaxisada ay xeelad hor leh la soo baxday, islamarkaana loo fududeeyo weerarada ay ka geystaan Muqdisho".

"Waxaan ammaan u jeedinayaa ciidanka geesiyada ah oo naftooda u huray badbaadinta shacabka," ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa gaarka ah ee Facebook uu soo dhigay Arbacada maanta ah.

Wuxuu ku daray: "Inta uu fikirka argagexisada nagu dhex nool yahay, inta aan la dirirkooda mudnaanta la siinaynin, meelna looga soo wada jeesanaynin, cadawgu gummaadku wuu wadayaa.

Illo wareedyo ayaa sheegay in dableyda ay dhismaha huteelka ku tageen gaari nooca booliska ah, ayna xirnaayeen dharka ciidanka bileyska, oo uga soo gudbeen baraha koontarool ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Dabelyda ayaa la sheegay in markii hore ay rasaas ku fureen ilaalada Madaxtooyadda, si ay ugu fududaato gelida SYL hotel, oo ah meel ay degan yihiin Xildhibaanno, Wasiiro iyo Saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya.

Labo kamid ah kooxda hubeysan oo 5 ka koobnaa, ayaa lagu toogtay banaanka, halka sadexda kale ay galeen huteelka, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen mudo 7 saacadood, laga billaabo 7 p.m. illaa 2 a.m. saqdii dhexe.

"Khasaaraha oo la qariyey"

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku shaaciyey in shan qof, oo 2 kamida askar yihiin ay ku dhinteen weerarka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 11 kale, oo askar ay ku jiraan.

Garsoore hore iyo askari katirsanaa ilaaladda madaxtooyadda, ayaa ku jira dadka ku geeriyooday dhacdada.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magacyadda ku dhowaad 50 ruux oo ay ku sheegtay mas'uuliyiin, shaqaale iyo saraakiil "ku dhintay falkaas".

Mahad Salaad, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in hay'addaha nabad-gelyadda lagu amray "in ay qariyaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku sheegay in Al-Shabaab "shirko" lagula yahay weerarkan iyo kuwii ka horeeyay.

Waa markii saddexaad oo hotel SYL uu bartilmaameed u noqdo Al-Shabaab oo magaala madaxda laga saarey 2011-kii, balse weeraro noocaan ah ku beegsata huteelada iyo xarumaha dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM