Weerarrada burcad-badeedda Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo 2013
MUQDISHO — Burcad-badeedda ka howlgasha xeebaha Geeska Afrika ayaa sanadkan gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo 2013, sida lagu sheegay falanqayn ay samaysay wakaaladda wararka AFP oo ku salaysan xogta Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO).
Ugu yaraan 15 weerar oo burcad-badeednimo ah ayaa laga soo sheegay gobolka tan iyo bilowgii sanadkan, sida ay muujinayaan warbixinno ku jira nidaamka xogta ee IMO ee Global Integrated Shipping Information System, kuwaas oo ay AFP falanqaysay.
Xogta ayaa ka kooban dhacdooyin laga diiwaangeliyay tan iyo 1994-kii, kuwaas oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya, gudaha masaafo dhan 2,000 oo kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya.
Tan iyo 2013, gobolka Geeska Africa ayaa caadi ahaan diiwaangelinayay tiro yar oo weerarro burcad-badeednimo ah sannad kasta, iyadoo shan weerar oo keliya la soo sheegay intii lagu jiray 2025.
Hase yeeshee, weerarrada ayaa si weyn u kordhay 2026, gaar ahaan Gacanka Cadmeed, oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, kana mid ah marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Kororka weerarrada ayaa dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo in burcad-badeednimadu mar kale khatar weyn ku noqoto maraakiibta ganacsiga ee mara xeebaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka Geeska Afrika.
Ugu yaraan 6 Markab oo ay la socdaan 90 qof oo madmaaxiin ah ayaa la sheegay in lagu haysto xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Puntland ku eedeysay dowladda Federaalka waqtigeedu dhamaadey inay siyaasadeynayso burcad-badeednimada.
GAROWE ONLINE