Wiil uu dhalay marxuum Boqore oo kamid noqday Gollaha Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cadnaan, wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqore, xildhibaankii ay Al-Shabaab ku dishay Muqdisho bishii Febraayo, ayaa maanta oo Talaado ah ku guuleystay kursiga uu ka geeriyooday aabihii.

Wiilkaan dhalinyaradda ah oo guusha ku helay 48 cod oo kamid ah 51 ergo oo coddeysay ayaa ka badiyay Axmed Cismaan Xaashi, kaasi oo isna ay u codeysay kaliya laba kamid ah cod-bixiyaasha.

Doorashada oo ka qabsoontay magaala madaxda Soomaaliya ayaa waxaa isku soo dabariday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, iyada oo si toos ah looga baahiyay warbaahinta dowladda.

Sharcdejiyaha cusub, Mr Cadnaan, oo madasha lagu doortay ka hadlay, ayaa u mahad-celiyay dhamaan inta dooratay, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doono danaha qaranka iyo difaaca wadanka.

Marxuum Boqore oo sidoo kale kamid ahaa Guddiga difaaca Gollaha Shacabka isla markaana kasoo mid noqday ciidanka xooga dalka ayaa 23-kii Febraayo lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dableyda falka sameysay ayaa la sheegay in ay baxsatay balse laamaha amaanka waxay wacad ku mareen in ay soo qaban doonan kadib amar kasoo baxay madaxwayne Farmaajo.

Cadnaan oo ka gudoonsiiyay shaadahiisa Xildhibaanimo ayaa la filayaa in uu hortago Aqalka Hoose fadhiga ugu soo horeeyay halkaasi oo lagu dhaarin doono kahor inta uusan guda gelin gudasha waajibaadkiisa qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM