Wiil uu dhalay Sheekh caan ah oo Muqdisho kaga badbaaday qarax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan Siinka Dheer ayaa lala eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in hal askari uu ku dhintay falkaas, uuna ku dhaawacmay mid kale. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

Idaacadaha Muqdisho ayaa ku waramaya in kolanyada ay galbinayeen Injineerada Turkida ah ee dhiseysa wadada isku xirta caasimada iyo Afgooye.

Dhinaca kale, qarax ka dhacay degmada Yaqshid waxaa ka badbaaday wiil uu dhalay mid kamid ah Wadaadada ugu caansan magaaladda.

Sheekh Muuse Cawagweyne ayaa waxa uu hadal-jeedin u sameeyaan xubnaha kasoo goosta xoogaga xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Waa markii labaad oo uu wiilkiisa ka badbaado isku day khaarijin, isaga oo aaney waxyeelo daran kasoo gaarin falka loo maleegay.

"Qarax miino oo gaariga lagu rakibay buu ahaa, laakiin waxba kuma noqon, ALLE mahadii," ayay warbaahinta kasoo xigatay.

Mas'uuliyiinta ayaa ku waramaya in ay baaritaano ku bilaabeen dhacdooyinkaan, wallow illaa iyo hadda aan cidna loosoo qaban.

Qaraxyadda loo adeegsado Miinooyinka ayay Al-Shabaab kordhisay adeegsigooda bilihii u dambeeyay markii ku fashilmeen qaadista howlgalo waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM