Muxuu Aqalka sare ku diiday ka qaybgalka furitaanka Kalfadhiga 4aad?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaanadda Aqalka sarre ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay ka qaybgalka munaasabadda furitaanka Kalfadhiga afaraad ee Gollaha Shacabka, kaasoo maanta furmaya.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qaybgalaya furitaanka Kalfadhiga, kaasoo ay horyaalaan Ajandayaal kala duwan.

Farmaajo ayaa ka jeedin doono furitaanka Kalfadhiga afaraad Kalimo uu xooga ku saari doono xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaara ahaan Amniga iyo Siyaasadda.

Sababta Aqalka Sarre u diidey ka qaybgalka xafladda, ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan kuwasoo qaarkood u sheegeen GO in qodobka ugu weyn yahay cidda gudoonka qabaneysa inta uu socdo fadhiya Wadajir ka ah ee labada aqal iyadoo aqalka hoose ku adkeystey gudoonkooda iney wadayaan kulankaan inta lagu jiro furutaanka golayaashaan.

” Golaha fulinta gaar ahaan Villa Soomaaliya ayaa iska leh sababta keentey is-fahan waagaan, madaama ay ka jiro dareen Federaal diid ah,” sidaas waxaa GO u sheegey Senator ka tirsan aqalka sare dowlada Fedralka ah. 

Macluumaadka hoose ee uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Sharcidejiyaasha Aqalka Odayaasha ay ku balameen inay furtaan Kalfadhigooda afaraad maalinta Berri oo ah Talaado.

Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 54 xubin, ayaa wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse dhanka saameynta siyaasadda waxaa uga xoog badan gollaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM