Xaaf oo ka hadlay khilaafka Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada

Image

GAALKACYO, Somalia - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa maanta gaarey magaalada Galkacayo, markii uu saaka kasoo kicitamay Garowe, oo uu kaga qaybgalay caleema saarka madaxda cusub ee Puntland.

Munaasabada oo kulmisay hogaamiyaasha maamul goboleedyada iyo kuwii hore ee wadanka soo maray ayaa waxay fursad unoqotay inay isku soo dhawadaan, iyaga oo yeeshay kulamo xasaasi ah.

Xaaf oo wariyaasha kula hadlay caasimad goboleedka Mudug ayaa daboolka ka qaaday in kulamadaas oo diirada lagu saarey khilaafaadka dalka ka jiray is-fahan laga gaarey, islamarkaana loo balamay shir kale.

"Shirka wuxuu ahaa mid kheyr qabay..waxaana lagu daaweeyay waxyaabo badan…inaga waxaan kamid ahayn maamuladii dowlada dhexe wax ka tabanayay," ayuu Madaxwaynuhu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu kalsooni xoogan ka muujiyay in shirka 20-ka bisha Maarso ee sanadkaan la filayo in lagu qabto xarunta gobolka Nugaal lagu soo xaliyo kala ir-dhowga siyaasadeed ee jira.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Galmudug ayaa uga mahad-celiyay Madaxwaynaha DPL, Saciid Cabdullaahi Deni sida uu ugu dhiiraday inuu meel kuwada kulan-siiyo madaxda Soomaaliyeed oo is-khilaafsanaa.

Deni oo la doortay 8-dii bishaan Janaayo kadib coddeyn cadaalad, daah-furan, xor iyo xalaal ahayd ayaa balanqaaday inuu ka shaqayn doono isku-keenida dadka Soomaaliyeed, isaga oo meesha ka saarey inuu qayb ka noqonayo khilaafka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM