Xaaf oo shaaciyey "sababta loo gubay" Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Image

GAALKACYO, Galmudug – Axmed Ducaale Geelle Xaaf, "madaxweynaha" maamulka Galmudug, ayaa wuxuu meesha ka saarey in dabka ka kacay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya "uu ka dhashay koronto".

Saq dhexe 28-kii Janaayo 2020 ayay ahayd markii lasoo wariyey dab qabsaday qol ku yaala qeybta dambe ee Bangiga oo ku yaala degmada Shangaani ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Bangiga ayaa lagu shaaciyey in uusan jirin khasaaro buuran oo ka dhashay dhacdadaas marka laga reebo waxyeelo soo gaarey dhismaha iyo fiilooyin.

Bayaanka ayaa lagu tibaaxay in sababta keentay dabka ay tahay koronto, isla markaana si degdeg ah loo damiyey.

Hase ahaatee, Xaaf ayaa rumeysan in Bangiga Dhexe "si ola kac ah" dab loo qabad-siiyey, wallow uusan shaacin cidda ka dambeysay.

Isagoo u waramayay Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa VOA-da, Xaaf ayaa xusay in talaabadaas loo qaadey "si loo qariyo lacago ka ku jiray Bangiga oo Galmudug lahayd".

Isagoo cadadka lacagta ku sheegay lix milyan oo Doolar, xukuumadda federaalka ah ayuu daaha ka rogay "in ay u adeegsatay doorashooyinka Galmudug".

Dhanka kale, "madaxweynaha" ayaa carabka ku dhuftay in wada-hadalo hoose ay leeyihiin hogaanka ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ma dooneyso wada-hadalo waxay rabtaa in ay wax boobto, taasna mid aan yeelayno maahan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Xaaf oo ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa sameystay "baarlamaan" kuwaasoo u doortay "madaxweyne iyo ku xigeen", wuxuuna wacad ku maray in uusan aqbali doonin natiijada coddeynta Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM