Xaaf oo shuruud ku xiray in uu aqbalo dalabka DF ee doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo idlaaday shir u dhaxeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug.

Shirkaasi ayaa dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo hogaanka dowlad goboleedka ay is-khilaafsan yihiin madaxdiisa.

Qodobka ugu wayn ee wadahadalka ayaa ahaa doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug oo is-qabqabsi uu ka taagan yahay.

Xukuumada Farmaajo ayaa dooneysa in ay qabsoonto bisha Julaayo, halka maamulka Xaaf uu rabo in ay dhacdo sanadka 2020-ka.

Dowlada dhexe ayaa ku doodeysa in taariikhda ay dooneyso uu dhigayo dastuurka uuna badal ku yimid Madaxwayne Xaaf.

Dhinaciisa Xaaf oo qirsan in uu badal ku yimid kadib is-casilaadii Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku adkeysanaya in uu afar sano xilka haynayo.

Dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa aaminsan in labada garab ay kala shiksan yihiin – Dowladda waxaa la sheegay in ay rabto ay ka takhlusto Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo ka biyo diidan arrinkaasi.

Wadaxaajoodyo la doonayay in xal loogu kala aragti duwanaanshiyahaasi, oo shalay ka qabsoomay xarunta gobolka Galgaduud, ayaa soo gabagaboobay iyada oo aanan heshiis la gaarin.

Illo ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in Xaaf uu hordhigay wasiir Maxamed Cabdi Sabriye shuruudo ay kamid tahay in dowladda ay balanqaado in aysan faragelin doonin cod-bixinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxwaynaha Galmudug uu la yimid shirka qodobo ay kamid yihiin in xukuumada aysan u soo dirsan doorashada musharax ay dooneyso in uu kusoo baxo.

Wasiir Sabriye oo la sheegay in uusan marka hore wadan qorshe oo ay ku raacsan yihiin madaxda dowladda dhexe ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka si uu ula wadaago hogaanka Madaxtooyadda.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay horey u kala qaybisay Galmudug oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay joogaan madaxwayne ku xigeenkii iyo afhayeenka baarlamaanka, daacadna u ah dowlada dhexe.

Dowladda Farmaajo oo ku fashilantay sugida amniga wadanka, dagaalka Al-Shabaab iyo mushaarka ciidamada ayaa ku mashquushay siyaasada iyo doorashooyinka maamulada si ay ugu soo baxaan xubno ku feker ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM