Xaaf oo ayiday go'aanka Ahlu sunna iyo murashaxiinta ee doorashada

Image

GAALKACYO, Galmudug – Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay Ahlu Sunna iyo murashaxiinta madaxtinimada ka qaateen doorashada Galmudug.

Iyagoo cuskanaya "faragelinta iyo afduubka dowladdu ku sameysay geedi u socodka xulista baarlamaanka," murashaxiinta iyo Ahlu Sunna ayaa qaadacay coddeynta.

Go'aankaan ayaa yimid markii Ahlu Sunna loo diiday codsi ku saabsanaa in ay majaraha u qabato guddiga baarlamaanka labaad ee maamulkaas u saarey doorashadda madaxtooyada.

Dhanka kale, Xaaf ayaa war-saxaafadeed kusoo jeediyeeyay in la joojiyo dhaqdhaqaaqyada doorasho ee ka socda Dhuusamareeb isla markaana la xaliyo culeyska soo kordhay.

Sidda laga soo xigtay warqada Xaaf, "inta badan Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug waa shaqaale dowladeed, agaasimeyaal iyo ilaalada madaxda qaranka".

Siyaasiyiinta oo ka digay in leyska indhatiro xalinta murankaan ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in Galmudug ay yeelato maamul kala dhantaalan ama aanan mid ahayn.

Geedi u socodka doorashooyinka Galmudug oo bilooyin qaatay ayaa natiijada kasoo baxday lagu sifeeyay "baarlamaan aan loo dhameyn, tabashooyin iyo khilaaf soo cusboonaadey".

Hoos ka akhriso qoraalka Xaaf

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM