Xabsiga Godka Jilacow oo wali shaqeeya xili DF shaacisay in ay xirtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Godka Jilacow, mid kamid ah xabsiga ugu caansan caasimada Soomaaliya, ayaa wali shaqeeya xili dowladu horey u sheegtay inay xirtey, sidda ay wararku sheegayaan.

Goobjoog, oo kamid ah warbaahinada ka howlgala Muqdisho, ayaa Jimcada maanta ah ku warantay in hay'adda nabad-sugida gobolka Banaadir ay haatan si gaar ah u isticmaasho Jeelka.

Warbixinta, oo dhamaan ilaha lagu soo xigtay la qariyey magacyadooda, ayaa intaas ku dartay in dad baaris loo geeyay "ay sheegeen in ay arkeen dad ku xiran xabsiga isla markaana uu si caad ah u shaqeeyo".

Lama ogga sababta kaliftay in qaab qarsoodi ah loo isticmaalo xabsiga, iyaddoo dadweynaha loo sheegay in albaabada loo laabey.

Taliska Asluubta Soomaaliya oo uu la xiriiray warsidaha Garowe Online ayaa ka gaabsaday in uu beeniyo ama xaqiijiyo warkaan.

Iyagoo cuskanaya cabasho ka timid shacabka iyo hay'addaha xuquuqul insaanka, bishii December 16-keeda, 2018, wasiirada amniga iyo cadaalada ayaa shaaciyey in albaabada loo laabay Godka Jilacow.

Labada wasiir ayaa tilmaamay in loo bedelay akadeemiyad lagu tababari doono saraakiisha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Godka Jilacow ayaa waxaa "lagu ciqaabi jiray" shaqsiyaadka lagu tuhmo inay ka tirsan yihiin maleeyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xabsigaan oo dad lagu xiray xusuuso argagax leh ay soo bandhigeen, ayaa loogu magac-daray Jeneraal Axmed Jilacow Caddow, taliyihii hore ee Nabad Sugida, kaasoo kamid ahaa saraakiisha dowladii dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM