Xafiisyadda Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay banaabaxa Jimcaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Rooble ay ku kala aragti duwanaadeen banaanbaxa mucaaradka ee la filayo inuu ka dhacay saacadaha soo socda Daljirka Dahsoon.

Xafiiska Rooble ayaa soo jeediyay in Mucaaradka loo ogolaado inay qabsadaan banaanbaxa, islamarkaana dowladda ay amaanka sugto, laakiin soo-jeedintaas waxaa diiday Xafiiska Farmaajo.

War-Saxaafadeedka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha soo saari lahaa xitaa waxaa la sheegay in lagu amray inuu dib u dhigo ama joojiyo gebi ahaanba, waxaana arintaas ka dhalatay khilaaf cusub oo madaxda sare soo kala dhexgalay.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Rooble uu ergo u diray Mushariixinta, kuwaasoo ay hogaaminayaan Senator Cabdi Qeybdiid iyo Wasiirka Waxbarashadda C/llaahi Carab oo ku hun-goobay wadahadalkii ay la yeesheen Mucaaradka.

Xaaladda Muqdisho ayaa cakiran, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhaco, maadaama labo Ciidan ay isku horfadhiyaan Daljirka Dahsoon oo Ciidanka Haramcad ay doonayaan inay kala wareegaan kuwa uu wato Indha-Cadde oo hogaaminaya Ciidanka Musharixiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM