Xaflad lagu caleema-saarayo Lafta Gareen oo Baydhabo ka socota

Image

BAYDHABO, Somalia - Madaxwaynaha la doortay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco la caleemo-saaro iyadda oo munaasabada balaaran la qaban-qaabiyay.

Xaflada oo ka qabsoomaysay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka tirsan dowladda dhexe, maamul goboleedyadda, Ururada Bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo ciidamo horleh oo ka socda dowlada dhexe oo la geeyay caasimad goboleedka Bay maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayo dhamaan wadooyinka soo gala Madaxtooyada.

Calaamad su’aal wayn ayaa dul-saaran in xaflada ay kasoo qaybeli doonan xubno ka socda saaxiibada caalamka, maadaama aysan goobjoog ahayn doorashadii uu kusoo baxay Cabdicasiis Laftagareen.

Laftaga Gareen oo la doortay 19-kii December 2018 ayaa ku guuleystay wareega 1aad, inkasta ay ka horeysay qalalaaso ay ku dhinteen 15 ruux oo ka dhashay markii lasoo xiray Mukhtaar Roobow oo ahaa Musharax aad ucad-cad.

Roobow oo tan iyo xiligaasi ku jira xabsi ku yaala caasimada ayaa waxay dowladdu kala kulantay dhaleecayn caalami ah, iyadda oo Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ka dalbadeen DFS inay fahfaahin ka bixiso arrintaan.

Laftagareen ayaa noqonaya Madaxwaynihii 2aad ee Koonfur Galbeed kadib Shariif Xasan Aadan oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee maamul goboleedkaan, kaasi oo la aas-aasay bishii April sanadkii 2001-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM