Xaflad lagu caleema-saarayo Lafta Gareen oo Baydhabo ka socota

Image

BAYDHABO, Somalia - Madaxwaynaha la doortay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco la caleemo-saaro iyadda oo munaasabada balaaran la qaban-qaabiyay.

Xaflada oo ka qabsoomaysay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka tirsan dowladda dhexe, maamul goboleedyadda, Ururada Bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo ciidamo horleh oo ka socda dowlada dhexe oo la geeyay caasimad goboleedka Bay maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayo dhamaan wadooyinka soo gala Madaxtooyada.

Calaamad su’aal wayn ayaa dul-saaran in xaflada ay kasoo qaybeli doonan xubno ka socda saaxiibada caalamka, maadaama aysan goobjoog ahayn doorashadii uu kusoo baxay Cabdicasiis Laftagareen.

Laftaga Gareen oo la doortay 19-kii December 2018 ayaa ku guuleystay wareega 1aad, inkasta ay ka horeysay qalalaaso ay ku dhinteen 15 ruux oo ka dhashay markii lasoo xiray Mukhtaar Roobow oo ahaa Musharax aad ucad-cad.

Roobow oo tan iyo xiligaasi ku jira xabsi ku yaala caasimada ayaa waxay dowladdu kala kulantay dhaleecayn caalami ah, iyadda oo Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ka dalbadeen DFS inay fahfaahin ka bixiso arrintaan.

Laftagareen ayaa noqonaya Madaxwaynihii 2aad ee Koonfur Galbeed kadib Shariif Xasan Aadan oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee maamul goboleedkaan, kaasi oo la aas-aasay bishii April sanadkii 2001-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM