Xamse Cabdi Bare oo baaq kasoo saarey dagaalka Laascaanood

Image
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad lacag loogu aruurinayay Turkiga.

MUQDISHOO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madashaas ayuu uga yaboohay lacag dhan hal milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga.

Shacabka ayuu ku guubaabiyeu in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay.

Soomaalida ayuu xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, "sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah".

Madaxda owlad gobaleedyada ayuu ugu baaqay inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood.

Si shuruud la’aan ah ayuu kusoo jeediyay in lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM