Xaqiiqo ay Soomaaliya kala mid tahay Syria iyo Iraq tan iyo bilowgii 2020

Image

WASHINGTON, US – Duqeymaha milatariga Mareykanka uu la beegsaday garabka Al-Qaacida ee Al-Shabaabka Soomaaliya ayaa aad ugu dhow weerarada cirka ee uu Daacish kula eegtay Suuriya iyo Ciraaq.

Tan iyo bilowgii sanadkaan, Mareykanka ayaa 26 duqeyn oo dhanka cirka ah la bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Howlgaladii u dambeeyay oo ka dhacay Janaale 9-kii iyo 10-kii bishaan Maaj waxaa lagu khaarijiyey sagaala xubnood.

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa shaaciyey in howlgaladaas aysan waxyeelo kasoo gaarin shacab.

Dhanka kale, gudaha Suuriya iyo Ciraaq, milatariga Mareykanka wuxuu kooxdaas kula eegtay 29 duqeyn laga soo bilaabo 1-dii Janaayo ee sanadkan 2020, sidda ku xusan warbixin ay sii deysay VOA-da.

Sidda lagu caddeeyay qormadda, fahfaahinta duqeymaha ayaa waxaa qorshuhu yahay in lasoo bandhigo todobaadkan.

Sanadkii lasoo dhaafay 2020, Mareykanka ayaa wadamada Suuriya iyo Ciraaq ka fuliyey laba kun oo duqeyn ah. 1,600 oo kamid ah waxaa la qaadey bilooyinkii ugu horeeyay ee sanadkaas.

Xiligaas dagaalameyaasha ISIL ayaa joogitaan badan ku lahaa wadamadaas, waana sababta kordhisay weerarada cirka.

Gudaha Soomaaliya, taliska AFRICOM ayaa fuliyey 63 duqeyn oo cirka ah sanadkii lasoo dhaafay. Al-Shabaab waa kooxda ugu badan ee lagu beegsaday howlgaladaas, wallow Daacish qeyb ka tahay.

Sikastaba, sanadkii kasii horeeyay ee 2018-kii, waxaa gudaha Soomaaliya uu Mareykanka ka geystay 47 duqeyn oo cirka ah, taasoo macnaheedu yahay in sanadkii 2019 uu ahaa xagaagii ugu duqeymaha badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM