Xarig ay gudoomiye degmo kula kacday DF oo lagu tilmaamay "afduub"

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu si xooggan u cambaareeyay xarig ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kula kacday Gudoomiyihii degmada Garbahaarey, Iimaan Cadow Kaarshe.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, ayaa qabashada Kaarshe ku sifeeyay "afduub sharci darro ah," wuxuuna cod dheer kusoo jeediyey in lasii daayo mas'uulka.

Saraakiil ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayuu ka dhawaajiyey in ay Kaarshe ka dhoofiyeen xarunta gobolka Gedo isla markaana ay ka dejiyeen magaaladda Muqdisho.

NISA ayuu carabka ku adkeeyay in ay bilooyinkii lasoo dhaafay kawaday gobolka "falal ka baxsan sharciga oo liddi ku ah wadajirka umadda iyo burburinta Hay'addaha dowlada si lamida garsoorka Gedo".

Xariga gudoomiyaha ayaa wuxuu ku tilmaamay "dhacadii ugu foosha xumeyd oo hay'adda sirdoonka Qaranka ka sameyso gobolka".

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in qabashadda Kaarshe ay ka dambeysay markii uu ka biyo-diiday xil ka qaadis ay xukuumadda dhexe ku sameysay. Maamulka Jubbaland wuxuu eriyadaas ku qeexay "sharci darro".

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka shanqariyey in ay jiraan gudoomiyeyaal kale oo diiday xilka ka qaadista oo qori-caaradii loogu qasbay in ay xafiiska wareejiyaan iyo qaar kale oo xabsi ku ah Muqdisho.

Sidda uu ka dhawaajiyey Mr Maxamuud, maamulka Jubbaland ayaa mowqif adag ka qaadan doona "khalkhalgelinta siyaasadeed ee dowladda federaalka kawado gobolka Gedo, saacadaha soo aadan".

Xukuumadda ayaa nan wali ka jawaabin eedeynta kaga timid maamulka Axmed Madoobe, wallow aysan ka jawaabin wicitaanka GO.

Villa Soomaaliya ayaa wajaheysa eedeymo ku saabsan in ay damacsan tahay qorshe ay gobolka Gedo kaga jareyso Jubbaland inteeda kale iyo in ay Jubadda Dhexe ka saarto Al-Shabaab "si ay uga aas-aasto maamul kale".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM