Xariga Roobow oo dib-u-dhigay soo goosashada Amiiro Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa xabsi ku haynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ku weyday horjoogeyaal kasoo goosan lahaa Al-Shabaab, sida uu shaaca ka dhigay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan oo xalay marti ku ahaa aragti-wadaag uu Garowe Online ku martigeliyey Twitter-ka ayaa daaha ka rogay in aysan jirin "sabab qiil loogu sameyn karo in uu kusii xirnaado mid kamida aas-aasayaashii Al-Shabaab".

"Mukhtaar si xun ayaa loola dhaqmay. Kiisiisana waxaa loo maareeyay si qaldan. Taas waxay horseeday in ay ka baaqsadaan saraakiil kale oo dowladda isku soo dhiibi lahaa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Sida laga soo xigtay madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, xariga Abuu Mansuur oo la xiray bishii December 2018-dii xabsi gurina ku jiraa tan iyo sanadii 2019-kii "waa afduub salka ku haya sababo siyaasadeed".

Abuu Mansuur oo tan iyo xilligaas aan wali wax dacwad ah lagu soo oogin ayaa waxaa jeelka loo dhaadhiciyey isaga oo musharax madaxwayne u ahaa jagada ugu sareysa maamul goboleedka ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Xasan oo sheegay in waddanka uusan afartii sano ee lasoo dhaafay ka dhicin howlgal sax ah oo lagula dirirayo maleyshiyada Al-Shabaab ayaa xusay in kooxda arrintaas fursad u siisay in ay xoogeysato.

"Afartii sano ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab waxay heshay fursad ganacsatada iyo degaanada ay dowladda maamusho uga uruuriso canshuur. Intii aan xafiiska joogay, Al-Shabaab waxay ahayaeen kuwa baacsi lagu hayey," ayuu yiri.

Ammaanka iyo soo afjarida Al-Shabaab ayaa kamid ah qodobada dowlada u dhalaneysa Soomaaliya afarta sano ee soo aadan loo baahan yahay in ay siiso mudnaanta koowaad si waddanka u aado doorasho qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM