Xasan Abshir: Halkee lagu aasayaa ra'iisul wasaarihii hore ee dalka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa siyaabo kala gooni ah u magacaabay guddiyo agaasimaya Aas Qaran oo loo sameynayo Xasan Abshir Faarax oo shalay ku dhintay Turkiga.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira wasiiro, taliyeyaal iyo mas'uuliyiin kale, waxaana hogaaminaya Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda.

Dhanka kale, guddiga Khayre uu magacaabay ayaa waxaa xubin ka ah wasiiro iyo xubno kale, iyaddoo kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen gudoomiyey ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

"Dowladda ayaa go'aamisay in mudda sexad maalin ah calanka hoos loo dhigo si loogu Baroor diiqo Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasn Abshir Faarax oo qeyb muhiim ah ka qaatay dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya," ayay tiri xukuumadda.

Xubno ka tirsan qoyska marxuumka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in meydkiisa lasoo marsiin doono magaala madaxda dalka ee Muqdisho isla markaana halkaas salaada Janaasada lagula soo tukan doono.

"Salaada Janaazada kadib, Meydka, ALLE ha u naxariistee marxuumka, waxaa loosoo qaadi doonaa caasimadda dowladda Puntland ee Garowe oo lagu aasi doono," ayay hadalkooda intaas sii raaciyeen.

Xukuumadda Puntland oo ku dhawaaqdey saddex maalin oo baroor-diiq ah calankana hoos u dhigtay ayaa shaacisay in loo sameyn doono Aas Qaran Xasan iyo madaxweynihii hore ee maamulka, Maxamed Cabdi Xaashi.

Labada marxuum ayaa ku kala xanuunsanayey wadamada Kenya iyo Turkiga, halkaas oo ugu dambeyntii ay qadarta EBBE ugu timid, wallow aan wali la shaacin sababta keentay dhimashadooda.

Xasan Abshir oo ku dhintay 75-sano jir ayaa soo qabtay xilal uu kamid yahay; ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, duqa Muqdisho, wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo Xildhibaan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM