Xasan Daahir Aweys: Rooble waa nin aan shaqadiisa aqoon

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta waddanka Soomaaliya waa "mid gabay doorkiisa gabay" iyo "nin u shaqeynaayo" madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo, sidda uu shaaca ka dhigay Xasan Sheekh Daahir Aweys.

Aweys oo kasoo muuqday muuqaal aad loogu faafiyey baraha bulshadda ayaa wasiirka koowaad ee xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble wuxuu si adag ugu dhaliilay in uusan si wanaagsan uga soo dhalaalin doorkiisa isku-dheelatirka siyaadda waqtiga kala guurka lagu jiro.

"Kuraas la qeybsaday ayaad ku joogtaa. Kii koowaad qolaa haysata, kii labaad ayaa ku joogtaa qolaana u haysaa adiga. Marka in aad qolo wakiil ka tahay maqaanid Rooble. Ayagii ma kala celin kartid. Ayaga dadka kama celin kartid. Qofkii ku qaloocan kama celin kartid kama sixi kartid. Maxaa laguugu falayaa marka?," ayuu ku yiri muuqaal uu iska soo duubay.

Rooble ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in uu ka hoos baxo maamulka Farmaajo oo waqti xaadirkan uu u muuqanayo mid uu si toos ah ugu milmay qorshaha Villa Soomaaliya ee soo laabashada madaxweynihii hore.

"Rooble indhaha kala qaad meeshaan qabiilaa lagu qeybsadaa. Hadda aniga qabiil Ilaahey iguma ibtileenin laakiin meesha aad joogto waa in aad taqaanid. Dadaa ku dirsaday, dad ayaa kursigooda ku fadhidaa, dadaa wakiil ka tahay, dadka ilaasho, ayaga kala ilaaliya, ayagana ilaali, wixii ka qaldana ka celi".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Aweys ayaa sidoo kale wuxuu ku goobaabiyey Rooble in uu door firfircoon ka cayaaro xalinta is-mari-waaga taagan.

"Midda labaadna waxa weye maamulkii adiga ayaa joogo. Maadaama adiga aad jogotid maa dadkii oo dhan kala celisid adigaa ayaa maamulkii joogee mise shaqadaada maba taqaanid aslanba. Sidaas ayaa muuqata. Kursigana ma taqaanid, shaqadaadana maba taqaanid. Maamulka iyo awooda Ra'iisul Wasaaraha ayaa iska leh ee meesha ka kici ee waxaan hagaaji oo dadka kala celi," ayuu hoosta ka xariiqay wadaadkan xabsi guriga ku jira.

Dhanka kale, Xasan Daahir Aweys ayaa weerar afka ah ku qaadey madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo ku sifeeyay "rag shaxda siyaasadda ay ciriiri ku noqotay laguna godoomiyey".

"Markii hore waxaan is lahaa gar bey leeyihiin. Laakiin markii loogu tagay goobtii ay dalbadeen way diideen. Waxaana ii muuqata in shaxda siyaasadda lagu ciriiriyey halkii ay ahayd in ay ayaga wax ku ciriiriyaan maadaama ay wateen qodobo maangal ah. Waa in ay tagaan shirka kahor inta aan si qoor-qabad ah lagu geynin taasoo ceeb ku noqoneysa," ayuu kusoo afjaray.

Madaxda Puntland iyo Jubaland oo ku dhowaad laba asbuuc ku sugan caasimada Muqdisho ayaa shuruudahooda aan wali la fulin waxaa kamid ah in Farmaajo saxiixo warqad caddeyneysa in waqtiga ka dhacay, in la helo dhexdhexaadiyaal caalami ah iyo in shirka kawada qeybgalaan saamileyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM