Xasan Sheekh Maxamuud oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu weerar afka ah ku qaadey hogaamiyaha waddanka ee waqtiga kasii dhacayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan, oo ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uusan "maalin ixtiraamin dastuurka" ku meelgaarka ah ee waddanka u yaala.

"Madaxweyne Famaajo maalintuu yimid illaa maanta; maalin uu dastuurka ku dhaqmay ma jirto. Gudoomiye Jawaari riditaankiisii kasoo bilow, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku gey, rididiisii hadda u dambeysay ee ra'iisul wasaare ku gey, hay'addaha garsoorka waxa ka jira; garsooreyaal la eryo iyo kuwa cusub oo la keenayo ka dhig; dhinac walba madaxweynaha waa hareermarsan yahay dastuurka; uma rogmin in uu dhameystiro dastuurka intii joogtey ayuu ku dhaqmi la'yahay madaxweynaha," ayuu yiri.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay caasimadda, Xasan oo kamid ah hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku dhaliilay Farmaajo in uusan wali soo magacaabin ra'iisul wasaaraha cusub.

"Xukuumad dhacdey oo baarlamaankii dastuurka u baneenay uu kalsoonidii kala noqdey oo si cad oo qeexan ugu taalo in mudada intaas la eg labada dil ku dhowaad in dalka xukuumad la'aan iska ahaado waa qodob dhibaato weyn oo maanta dalka haysata waaye; dhibaato kaliya ma ahanee waa dastuurkii oo waxaan macno lahayn laga soo qaadey waaye," ayuu raaciyey.

Xukuumadda xil-sii-gaarsiinta ayuu cod ku sheegay mid sharci darro ah, wuxuuna ku dhaleeceeyay Farmaajo in uu ra'iisul wasaare cusub kusoo magacaabin waqtigii caadada ahayd oo ah muddo 30 maalmood.

Inkasta oo dastuurka aysan ku qorneyn in 30 maalmood lagu soo magacaabo xukuumad, waa curfi lagu soo dhaqmayey tan iyo soo kabashada dowladnimada ayna dhaqan-gelinayeen madaxdii xilka isaga dambeysay.

"Anigoo aysan iga ahayn aflagaado, haddana madaxweynaha [Farmaajo] wuxuu lamid yahay nin naag ay kala tageen ay ilmo u dhaleyso," ayuu yiri, isagoo duraya ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee jira.

Madaxda ku shirsan Muqdisho ayuu ugu baaqay in ay muddeeyaan waqtiga ay qabsoomeyso doorashadda iyo noocaan ay noqoneyso, wuxuuna si adag uga digay in muddo kororsi ay sameystaan madaxda.

"Annaga waxaa walaac nagu hayaa in waxa ay ku heshiiyaan ay dhaqan-gelayaan," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo ka digay in dheereysi laga fekero, arrintaasoo uu ka dhawaajiyey in ay wiiqeyso xasilooni daradda.

Gabagabadii, wadahadalka ayuu cod dheer ku dalbay in la balaariyo lagana qeybgeliyo dhinacyada kale ee saamileyda, isagoo hoosta ka xariiqay in ay ogolaan doonan go'aano walba oo kasoo baxa hadii ay cuntami karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM