Xasan Sheekh: Dowladda hadda jirta meelaha ay ka gaabisay waxaa ka mida Amniga

Image

LONDON - Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynihii 8aad ee Soomaaliya, ahna Gudoomiyaha Isbaheysiga mucaaradka ah ee UPD iyo Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka gaabisay dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn, dowladda Farmaajo ayuu qiray inay horumaro kala duwan ka sameysay tiirarka muhiimka u ah qaranimadda, oo ugu horeeyo kordhinta dakhliga, balse wuxuu dhaliilay dhinacyadda amniga iyo cilaaqaadka maamuladda.

Madaxwaynihii hore ee dalka ayaa xusay in madaxdda hada dalka ka arrimiya uu ku fashilmeen adkaynta nabadgelyadda oo uu xusay in laga doonayay maamulka hadda jira unuu ahmiyadda kowaad siiyo, islamarkaana dedaal badan ku bixiyo.

Cilaaqaadka madaxda dowlad goboleedyadda oo haatan gaarey heerkii ugu hooseeyay ayuu carabka ku dhuftay in waqtigii ay jirtay dowladiisa uu ahaa mid hagaagsan, inkasta oo dhowr jeer uu khilaaf soo kala dhex-galay.

"Mar kasta waxaan ahay mid rajo wanaagsan qaba. Marka waddo dheer lagu socdo caqabado iyo dul-duleeyo badan ayaa imaanaya, marka sida ay haatan wax usocdaan iyo meesha dalku ku wajahan yahay waxaa ii muuqata inay tahay mid wanaagsan," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hadalka Xasan Sheekh oo bulshadu siyaabo kala duwan ay uga fal-celisay ayaa qaarkood waxay soo dhaweeyeen is-barbardhigiisa, halka kuwa wax naqdiya ay tibaaxeen inay tahay mid aanan munaasab ahayn, iyaga oo ku doodaya in dowlada hadda jirta aysan wali waqtigeedii dhameysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM