Xasan Sheekh oo ku eedeeyay maamulka Farmajo cuburin iyo xag-gudub [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xubin ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay dowladda Farmajo caburinta Xisbiyadda siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ayaa hadalka ka sheegay munaasabad lagu daah-furayay Xarunta dhexe ee xisbiga uu madaxda u yahay ee Midowga Nabadda & Horumarka (UPD Party) oo ka dhacday Muqdisho.

Xildhibaano labada golle ee Baarlamanka Somalia katirsan, siyaasiyiin caan ah, oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay dowladda hadda jirta faragelin, gaar ahaan sharci-dejinta, oo haatan uusan wax xiriir wadashaqeyn ah ka dhaxeynin, iyadoo horey uu xumaa cilaaqaadka Villa Somalia iyo maamullada qaar.

Walaac ayuu ka muujiyay Xasan xiriirka sii xumaanaya ee labada aqal ee dalka, markii Aqalka Sare oo soo saarey bayaan uu ku cadeeyay inuu gabi ahaanba hakiyay wadashayntii kala dhaxeysay Gollaha Shacabka

Villa Somalia ayuu kula taliyay inay joojiso wax uu ku tilmaamay "biseyl la’aanta siyaasadeed ee keentay in madaxda dowlad goboleedyadda ay ku dhawaaqeen in aysan la shaqaynin dowladda dhexe'.

"Waxaa hubaal ah iyo madaxda ugu sareysa dalka aanu ku heshiinin, kuna talin in la dhibo dadka, balse, waxaa muhiim ah in la dhageysto tabashada iyo taaha kasoo yeeraya dadka Soomaaliyeed guud ahaan,” ayuu yiri Xasan.

Waxa uu Xasan Sheekh tusaale usoo qaatey dhibaatooyinka dalka ay ka abuurtay Xukuumadda rabshadihii ka dhacay Baydhabo bishii lasoo dhaafay, fagarelintii doorashadii Koonfur Galbeed iyo xiriika xumaadey ee kala dhaxeeya maamul goboleedyada.

Hadalkaan ayuu Xasan Sheekh ka sheegay munaasabad uu kaga qaybgalay Muqdisho, taasi oo lagu daah-furayay xarun cusub oo uu xisbiga uu Gudoomiyuhu uyahay ka furtay magaalada caasimada ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markabkii Puntland Qabatay ee Muqdisho ku wajahnaa oo loo weeciyay Jabuuti

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 11:41AM

XOG: Mucaaradka oo Ka Shaqeynaya Qorshe Cusub oo Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh 

Waxaa la filayaa in tallaabadani ay qeyb ka noqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 07:32AM