Xasan Sheekh oo mar kale hadlay masiirka askarta ku maqan Eritrea

Image
Qeybtii ugu horeysay ee ciidamaddan ayaa Muqdisho kasoo degay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa "kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay waddanka Ereteriya".

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Xasan Sheekh ayaa "waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda".

Dhankooda, waalidka ayaa, sidda laga soo xigtey bayaanka, waxay Xasan Sheekh "uga mahad-celiyeen mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen".

"Waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar ku saabsan in qeybta lasoo celiyey ciidamadda ay wajahayaan xaalad dayacaad ah ayna helin wax xuquuq ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar xerada ku booqdey askarta. Hadal-jeedin uu goobta ka sameeyay wuxuu ku sheegay in ay u diyaar-garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Balse, wali lama dagaal-gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM