Xasan Sheekh oo shaaciyey xudunta khilaafka dowlada Farmaajo iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saarey in khilaafka dowlada Farmaajo iyo Kenya uu xiriir toos ah lala leeyahay gal-dacwadeedka badda ee horyaala maxkamada ICJ.

Madaxda haysa taladda dalka ayuu cod dheer ku in ay "si xun" u adeegsadeen kiiska isla markaana ay "siyaasadeeyeen" galkan oo taagan iyo sanadkii 2014-kii.

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa farta ku fiiqay in is-qabqabsiga u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho uu salka ku hayo fulinta balamo ay labadda dhinac "isuku afgarteen".

"Kenya ayagaa [Villa Soomaaliya] u carab-laalaadiyey, ayagaa yiri xalaan gaareynaa, maxkamadda banaankeeda ayaa lagu xalinaa," ayuu yiri madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayuu carabka ku dhuftay "in ay og-yihiin" in dacwadda aan lagu xalin karin meel ka baxsan maxkamadda, ayna kala kulmayaan kacdoon dadweyne.

"Olale iyo magac ku raadiska waxay kamid tahay ciladaha jira. Kenya iyo dowladdeena iskuma hayaan maxkamaddaa kiis naga yaalaan, waa balamada iyo carab-laalaadiska iyo rajo-gelinta ee laga baxayo waaye oo la fulin waayay waaye waxa leysku haysto," ayuu xusay.

Dib-u-dhigista kiiska oo dhowr jeer timid ayuu daboolka ka qaadey in ay si wadajir ah u dalbadeen Soomaaliya iyo Kenya. ICJ waxay muddeysay in ay dib u bilaabeyso bisha July, 2020.

Wallow uusan magacaabin, sidda uu ka dhawaajiyey Xasan Sheekh Maxamuud, Villa Soomaaliya ayaa dalal shisheeye ka codsatay in ay soo farageliyaan kiiska.

Hadalka Xasan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Farmaajo uu dhowaan sheegay in Kenya ay "siyaasadeyneyso" kiiska badda isla markaana "faragelin ku hayso arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya".

Dhinaca kale, Xasan Sheekh Maxamed, oo su'aal geliyey cudurdaarkii uu madaxweyne Maxamed Farmaajo ku booriyey jabhadda SNM ayaa ku tartarsiiyey in uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo.

Inkastoo Nabad iyo Nolol ay ku fashilantay in ay dib boorka kaga jafto, wada-hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland ayuu ku nuux-nuux saday in ay muhiim tahay in degdeg loo bilaabo.

Ugu dambeyntii, doorashooyinka 2020-21 ayuu tilmaamay in ay muhiim tahay in ay noqoto mid hanaanka loo marayo uu cad yahay isla markaana laga talageliyey dhamaan saamileyda siyaasadda ee Qaranka.

MUUQAALKA XASAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM