Xasan Sheekh oo xaqiijiyay Kulan uu la yeeshay Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xaqiijiyay inuu la kulmay Sirdoonka Fahad Yaasiin, warkaas oo Garowe Online Shalay baahiyay [Halkan ka akhri Warka].

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in kulanka oo ka dhacay hoyga Muqdisho uu ka degan yahay inuu ahaa Salaan uu Fahad ugu yimid, balse aan looga hadlin siyaasad xili dhawaan Madasha soo dhawaysay natiijada Shirkii Dhuusamareeb 3.

"Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta," ayuu ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xili Farmaajo lagu wado inuu ku dhawaaqo Saacadaha ama Maalmaha soo aadan Ra'iisul Wasaaraha cusub, ee bedeli doono Xasan Cali Khayre, oo 25-kii July 2020 Baarlamaanka Kalsoonida kala noqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM