Xeer-ilaaliye gaara oo loo magacaabay baarista dilalka Suxufiyiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran Suleymaan Maxamed Maxmuud ayaa magacaabey Xeer-ilaaliye u gaar ah baarista dilalka iyo tacadiyadda kale oo loo geysto Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Qoraalka laguma xusin magaca Xeer-ilaaliyaha loo xil-saarey dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta, iyadoo lagu wargeliyay dadweynaha inay xafiiska cusub ay kusoo wargeliyeen xog kasta oo ku saabsan dilalka dadka warbaahinta ka shaqeeya.

Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ugu badan ee lagu dilo wariyeyaasha, iyadoo dadka dembiyadda geysta ka baxsada cadaaladda, taasoo loo sababaynaya jilicsanaanta hay'adaha amniga.


Hoos ka akhriso qoraalka magacaabida

Ayadoo la fulinaayo amarka Maxkamadda Gobolka Banaadir ee tixraaciisu yahay MGB/XG/02/2020, soona baxay 21-ka May 2020, kuna saabsanaa amar baaris dilalka suxufiyiinta lagu dilay dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxaa uu magacaabay Xeer-Ilaaliye u gaar ah si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in qof kasta oo haya xog la xiriirta dilalka wariyaasha inay kusoo hagaajiyaan Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ama lasoo xiriiraan telephone-ka iyo email-ka hoos ku qoran.

Ayadoo la raacayo Xeerarka Soomaaliyeed iyo Xeerarka Caalamiga ah, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu xaqiijinayaa in si adag loo dhowri doono talaabooyinka iyo hanaanka cadeymaha iyo marag furka la xiriirsan kiisaska dilalka iyo waxyeelaynta suxufiyiinta.

Suxufiyiinta iyo shacabweynaha Soomaaliyeed waxaa uu Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u xaqiijinayaa in cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaataynta ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.


Tan iyo sanadka markii uu ahaa 2010, waxaa gudaha Soomaaliya lagu dilay 55 wariye, waxaana cadaalad helay 4 suxufi oo kuwii dilay lasoo taagey maxkamad, qaarkood lagu fuliyay xukunno maxkamadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM