Amar kale oo lagu soo rogay diyaaradaha tegaya Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa karaar-siisay xayiraadda dhanka duulimaadka tooska ah ee magaaladda caasimadda ah ee Kismaayo.

Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed ayaa Axadda maanta ah ku amartay diyaaradaha in ay isa soo diiwaan geliyaan 24-saac kahor socdaalkooda.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysaa iyadda oo 26-ka bishan ay caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ka qabsoomeyso xaflada caleema saarka Axmed Madoobe.

Warbixinadda ayaa tibaaxay in ujeedka go’aanka cusub uu yahay "in la baajiyo munaasabada iyo is-hortaag lagu sameeyo martida lagu casuumay".

Illo wareedyo ayaa waxay xaqiijinayaan in mas'uuliyiin kala duwan iyo xubno ka socda Beesha Caalamka ay gaartay marti qaadka xafladaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa dib loogu doortay coddeyn bishii August ka qabsoontay xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Dowladda federaalka oo qaadacday guusha Axmed Madoobe ayaa go'doon gelisay Kismaayo, waxayna ku amartay diyaaradaha in ay soo maraan Muqdisho.

Maxamed Salaad Oomaar, wasiirka Duulista iyo Hawadda federaalka, ayaa wuxuu ku tilmaamay Kismaayo "meel uu ka jiro maamul aan la aqoonsaneen".

Kahor hadalka Oomaar, Axmed Madoobe oo xusay in cunaqabateynta la saarey Kismaayo ay xaaladda bini'aadanimo sii hurisay ayaa ka digay in ay sii jirto.

Xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya oo mudooyinkii dambe lahaa qodxo badan leh ayaa waxaa holac kusii shiday doorashadii August, oo xukuumadu dooneyso in ay kasoo baxdo natiijo ka qoslisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM