Maamulada oo lagala hadlayo doorashada xilli uu horey u burburay shir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay maanta kusoo bandhigtay" qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka".

Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay "amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo".

Qorshahaan ayaa "la filayaa in loo gudbiyo Golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo".

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

Hadalka xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilli uu dhowaan burburay shir rasmo oo loogu gogol xaari lahaa wadahadalka dowladda iyo maamuladda kadib markii Koonfur Galbeed ay ku gacan-seyrtay dhamaan waqtiyaddii ay isku raaceen dhinacyadda.

Koonfur Galbeed ayaa xiriir dhow la leh Villa Soomaaliya. Madaxweynaha maamulkaas oo doorashadiisu hareeyeen musuqmaasuq iyo laaluush wuxuu ka tirsanaa xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre.

Doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadkan 2020 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, hase ahaatee, maamulada qaar iyo siyaasiyiinta waxay shaki gelinayaan qabsoomida iyagoo cuskanaya in aysan jirin diyaar garow gaar ahaan ammaanka, maal-gelinta caalamka iyo Al-Shabaab oo degaano badan haysata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM