Xifaaltan durba laga dareemay doorashadda Aqalka Sare

Image
Sanduuqa coddeynta doorashadda Khamiistii ka dhacdey Kismaayo. [Photo: Jubaland Tv]

MUQDISHO, Soomaaliya - Koonfur Galbeed ayaa Isniinta asbuucaan waxay noqoneysa maamulkii labaad ee soo xula wakiiladda ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka. Jubaland waxay noqotay dowlad goboleedkii ugu horeeyay wallow wali ay afar kursi kale baaqi ku yihiin.

Afar xubnood ayaa Khamiista asbuucii hore lagu doortey Kismaayo. Laba kamid ah waxay difaacdeen boosasooda, halka labada kale ay ku cusub yihiin golaha. Tobban musharax ayaa Baydhabo ugu tartameysa shan kursi oo kamida 8-da xubnood ee maamulku leeyahay Senate-ka.

Illaa hadda, Jubaland wali ma xaqiijin metelaada haweenka Senate-ka, haweenay isa soo sharaxdey si adag ayaa looga adkaadey. Laftagareen wuxuu laba kursi u xiray qoondada 30% ee dumarka.

Madaxwayneyaasha oo soo xulaya musharaxiinta waxay ka tageen wakiilo hore, waana qadiyadda ay ka mideysan yihiin illaa hadda liisaska la daabacay wallow Laftagareen uu daadka qaadsiiyey xubnaha ugu caansan.

Senatorada Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud oo sida ay u kala horeeyaan ugu kala dhow madaxwayneyaashii hore Shariif Sheekh Ahmed Iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu bedelay laba xubno kale oo midkood hadda ka tirsan dowlada federaalka, kan kale Baydhabo uu ka shaqeeyo.

Zamzam Ibraahim Cali waa xubinta kaliya ee kasoo dhex-muuqatay liiska uu saxiixay Cabdicasiis Laftagareen kana tirsaneyd xeer-dejinti 11-aad una ordeysa in dib loo doorto.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Aadan Cabdinaasir oo horay u soo noqdey madaxii hab-maamuuska Laftagareen, ayaa lagu bedelay Xuseen, halka Ilyaas laga doortay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan oo kamid ah qaraabadda madaxweynaha Koonfur Galbeed oo loo xagliyo sixyaasada Villa Soomaaliya.

Dardarta iyo xamaasadda ay ku bilaabatay doorashadda Aqalka Sare ayaa natiijadda kasoo baxdey waxay sawireysaa in madaxwayne goboleed kasta uu soo saaranayo sharci-dejiyeyaal uu ku tuhmayo in ay difaacayaan siyaasadiisa iyo musharaxa uu u dhisanayo Madaxtooyadda Qaranka.

Inkasta oo madaxwayneyaasha maamuladda midba uu goob ku shaabadeysan yahay, haddana maxsuulka illaa haatan la haayo wuxuu muujinayaan sidda loolanka doorashadda xagaagan uga duwan yahay sanadadii hore.

Sanad ayay dib u dhacdey doorashadda madaxtinimada iyo baarlamaanka Soomaaliya. Qorshuhu wuxuu ahaa in ay qabsoonto 2020-21. Hase ahaatee, musharaxiinta u ordeysa way tirro badan yihiin. Balse, cidda saameynta leh waxay cadaan doontaa kadib xulista Xildhibaanadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Cali Xoosh oo kormeeray xarunta Hay’adda SODMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo dhaweeyay wafdiga.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 01:04PM

Talyaaniga oo martigeliyay shir ku saabsan taariikhda Muqdisho

Kulankan oo socday saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 12:53PM