Xiisad ka taagan Cadaado iyo Xaaf oo war kasoo saarey

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug ayaa war qoraal ah kasoo saarey xiisad kasoo cusboonaatey magaaladda Cadaado, kadib markii xarunta Madaxtooyadda ay la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya xalay.

Madaxweyne Xaaf ayaa cambaareeyay tallaabadii ay ciidanka xoogga dalka, qeybta 21-aad iyo Nabad Sugida xalay kula wareegeen Madaxtooyadda Cadaado, isagoo ku eedeeyay Villa Somalia inay colaad ka baabuleyso degaanada Galmudug.

"Halkii ay ka shaqeyn lahayd midnimada iyo wadajirka lagu wajahayo cadowga Al-Shabaab ayay ka door biday kala qeybinta iyo kala gaynta shacabka," ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saarey Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas'uuliyadda wixii dhib ah oo ka yimaada daandaansiga iyo colaad hurinta ay kawado degaanada Galmudug.

Galmudug ayaa kala qeybsanayd tan iyo 2017, iyadoo madaxda maamulka ay ku kala shaqeynayaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana fashilmay heshiis ay ku gaareen Jabuuti, oo awood qeybiga ku saabsanaa.

Faragelinta dowladda Federaalka ee arrimaha Galmudug ayaa waxay imaanaysaa xilli bishan lagu wado in Garowe uu ka furmo Shir madaxda maamullada iyo Villa Somalia isagu imaanayaan, kaasi oo looga hadli doono khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM