Xiisadda ka dhalatay warbixintii musuq-maasuqa oo wali taagan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya ayaa si balaaran loogu dhaleeceeyay qaabka ay uga fal-celisay warbixintii Guddiga maaliyadda ee Gollaha Shacabka, oo soo baxday dabayaaqada bishii hore ee November 2018.

Warbixinta oo dhinacyo badan ka hadlaysay ayaa tooshka ku ifisay inay maqan tahay lacag dhan 20 milyan oo kasoo hartay 50 milyan oo uu Sacuudigu siiyay dowladda 2017, iyo inuu wax is-dabamarin baahsan oo uu ku kacay gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, oo ah Gudoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda Aqalka Hoose ayaa ku tilmaamay fal-celinta xukuumadda mid ay dooneyso "inay ku burburiso Gollaha shacabka", oo shaqadiisu tahay la xisaab-tanka hay'adaha dowladda.

Xildhibaanka ayaa aaminsan maadaama qoraalka uu Guddigu soo saarey ay ahayd tirooyin, kaliya looga baahnaa xukuumada inay ka bixiso jawaab ku haboon, balse, aysan ka filayn talaabooyinka ay qaaday, siduu hadalka u dhigay.

Laanta fulinta ee uu madaxda ka yahay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu eedeeyay kala dirida uu Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka Cabdiweli Muudey uu ku sameeyay Guddiga Maaliyadda.

“Sidaasi ma ahan, ee sidaan bay ahayd…Ama waa sidaasee dib-dambe u dhicimayso, baa laga rabay xukuumada, balse, toona ma aysan sameynin,” ayuu Sharci-dejiyaha ka sheegay munsaabad ka dhacday Muqdisho.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Cabdiraxmaan Mursal, ayaa loogu baaqay inuu ka hor-yimaado kala diridda Guddiga Maaliyadda, maadaama aan loo marin wado sharci ah.

“Hadii aanan lagu fakan ama lagu badbaadin Gudoomiye Mursal, oo uusan sharciga u hogaan-samin, Guddiga iyo Gollaha waxaa burburineysa xukuumada,” ayuu Xildhibaanka Cabdiqaadir Cosoble si cad daaha uga rogay.

Hadaladaan culus ee kasoo yeeray Xildhibaankan, oo kamid ahaa murashaxiintii la tartantay Farmaajo 8-dii Febraayo, ayaa kusoo aadaya xili Fadhiyada Gollaha Shacabka ay hakad ugu jiraan arrintaan darteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM