Xiisaddii Siyaasadeed ee Galmudug oo Heshiis Laga Gaarey Kadib Shirar Xasasi Ah

Image

Muqdisho Warar laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in heshiis siyaasadeed laga gaarey khilaafkii muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada siyaasadeed ee ku loolamayay hoggaanka maamulka Galmudug.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, heshiiskaan ayaa yimid kadib kulamo iyo wada-hadallo xiriir ah oo dhexmarayay dhinacyada is haya iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salad.

Waxaa jirey maanta goor hore muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada oo muujinayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Nabad Sugidda Mahad Salaad oo kulan ku leh Villa Somalia, iyadoo kulankaas uu sii xoojiyey hadal-heynta ku saabsan dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro muranka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Xogaha ayaa tilmaamaya in ugu dambeyn lagu heshiiyey in Mahad Salaad uu tanaasul ka sameeyo khilaafka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha Galmudug, iyadoo dhinaca kale loo sameeyey dammaanad siyaasadeed oo ku saabsan kursiga xildhibaannimo ee beeshiisa oo weli bannaan tan iyo markii loo magacaabay xilka NISA.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiskaan qeyb ka ahaa arrimo la xiriira ganacsiga qaadka loo yaqaan Miraa, iyadoo la sheegay in qeyb ka mid ah danahaasi laga siiyey nin ganacsade ah oo xiriir dhow la leh Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Heshiiskaan cusub ayaa la filayaa inuu sahlo qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mucaaradku ku tilmaamo inuu waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday, si uu u sii ambaqaado qorshihiisa siyaasadeed iyo doorashooyinka la xiriira Galmudug.

Xisbiga iyo saaxiibada siyaasadeed ee Madaxweynaha ayaa la sheegay inay taageerayaan Libaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Libaan Shuluq, si uu ugu soo baxo hoggaanka maamulka Galmudug.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh xilka qabtey, heshiisyada siyaasadeed ee ugu waaweyn ayaa inta badan lagu soo afjaraa is-afgaradyo ku dhisan xilal la bixiyo, dano ganacsi oo la kala qaato, iyo awood qeybsiyo siyaasadeed oo ay dhinacyadu isku qancaan.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in qaabkaas siyaasadeed uu sii adkeynayo dhismaha nidaam dowladeed oo ku saleysan hay’ado rasmi ah iyo hannaan dimuqraadiyadeed oo hufan gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM