Xildhibaan caan ah oo ka badbaaday Qarax ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaanka Soomaaliya, Daahir Amiin Jeesow ayaa maanta oo Talaado ah si dirqi ah uga badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay Muqdisho.

Jeesow ayaa markii uu dhacayay qaraxa ku sugnaa goob uu ka dukaameysanayay oo ku taalla wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Dabka maanta duhurkii.

Ugu yaraan labo ruux oo darawalka Xildhiabaanka kamid yahay ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhashay bam lagu soo xiray Gaariga, kaaso oo qarxay xilli uu yaallay wadada qarkeeda.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa la doonayay in lagu dilo Xildhibaan Jeesow, oo katirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocan ka fuliso Caasimadda.

Weerarkan ayaa dhacay 11 maalmood kadib markii saddex qarax oo ka dhacay Isgoyska KM-4 ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 100 kale.

Qaraxyadan ayaa dhacaya xilli wadooyinka Muqdisho ay joogaan ciidamo boolis ah, oo gaadiidka kala duwan ku baara Isgoysyda waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM