Xildhibaan caan ah oo ka badbaaday Qarax ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaanka Soomaaliya, Daahir Amiin Jeesow ayaa maanta oo Talaado ah si dirqi ah uga badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay Muqdisho.

Jeesow ayaa markii uu dhacayay qaraxa ku sugnaa goob uu ka dukaameysanayay oo ku taalla wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Dabka maanta duhurkii.

Ugu yaraan labo ruux oo darawalka Xildhiabaanka kamid yahay ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhashay bam lagu soo xiray Gaariga, kaaso oo qarxay xilli uu yaallay wadada qarkeeda.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa la doonayay in lagu dilo Xildhibaan Jeesow, oo katirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocan ka fuliso Caasimadda.

Weerarkan ayaa dhacay 11 maalmood kadib markii saddex qarax oo ka dhacay Isgoyska KM-4 ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 100 kale.

Qaraxyadan ayaa dhacaya xilli wadooyinka Muqdisho ay joogaan ciidamo boolis ah, oo gaadiidka kala duwan ku baara Isgoysyda waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM