Xildhibaan eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Somalia ayaa isku diyaarineysa labo sano kadib doorasho taariikhi ah, taasi oo ah qof iyo cod, balse xisbiyada dalka ka jira ayaa su’aal gelinaya, iyaga oo u coksanaya gaabis ay tilmaameen inuu ka jiro dhanka xukuumada.

C/qaadir Cosoble Cali, oo ah xubin ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ahna gudoomiyaha xisbiga Ilays, ayaa ku eedeeyay xukuumada inay ka cagajiidayso meel-marinta sharciga doorashooyinka.

Bishii October ee 2018 ayay ahayd markii Madaxwayne Farmaajo oo shir gudoominaya kulanka Gollaha Wasiirada uu ka dalbaday xukuumada in ay muddo isbuuc ah ku ansixiyaan sharcigaan, balse ma aysan dhicin.

"Muddo ayaa kasoo wareegatay markii uu Madaxwaynuhu ka codsaday xukuumada.meelna kuma sheegno, loomana soo gudbin Baarlamaanka..taasina walwal badan ayaanu ka qabnaa," ayuu yiri mudanaha.

Sharcigaan iyo midka xisbiyada ayaa ah mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la cod loo qaado kahor cod-bixinta, taasi oo muwaadin kasta awood u siineysa inuu codkiisa dhiibto.

Hadalka Xildhhibaanka ayaa kusoo aadaya iyada oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhowaan balanqaaday in la dhameystirayo dastuurka iyo doorasho qof iyo cod, inkasta ay jiraan caqabado dhowr ah.

Caqabada ugu wayn ee qaranka hortaalo ayaa ah amniga, balse, Cosoble ayaa aaminsan in laga coddeyn doono kaliya meelaha ay badqab ahaan wanaagsan tahay, si aaney u dhicin falal khal-khal gelinaya.

AMISOM oo kaalmo ka helaya kuwa caalamiga ah ee wadanka jooga ayaa looga fadhiyaa inay latacaalaan caqabadaan, maadaama ay dalka isaga hayaamayaan labo sano kadib, iyaga oo mas'uuliyada ku wareejinaya ciidamada xooga dalka.

Somalia oo ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah waxaa ugu dambeysay burburkii kahor, iyada oo dowladihii xukunka isaga kala dambeeyay ay ku guuldareysteen inay hir-geliyaan arrintani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM