Xildhibaan: Awoodda Hanti Dhowraha si sax ah uma shaqeyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa horyaala sharciga Hanti-dhowrka, kaasi oo ay marsiiyeen akhrinta saddexaad, sida uu qabo xeer-hoosaadka Gollahaan uu leeyahay.

Kaliya haatan waxaa harsan in mudanayaasha Aqalka Hoose ay cod u qaadaan si uu noqdo mid sharci ah, islamarkaana la bilaabo sidii loo fulin lahaa, islamarkaana Hantidhowrka uguto shaqooyinkiisa.

Sida laga soo xigtay xoghayaha Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadaha ee Gollaha Shacabka, sharciga waxaa ku xusan in xafiiska Hantidhowrka oo haatan hoostaga laanta fulinta laga madax-banaaneen doono.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, xoghayaha Guddiga maaliyadda ayaa tibaaxay in talaabani ay hor-seedayso in Hantidhowraha qaranka uu yeelanayo awood uu ku baari karo xafiis walba oo hay’addaha dowladda kamid ah.

“Sharciga haatan horyaala Gollaha ayaa dhigaya,” ayuu ku jawaabay Nuur, markii la waydiiyay inay wanaagsanaan lahayd in Hantidhowrka laga madax banaaneeyo xukuumadda xili uu uwarmayey idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Xafiiska Hantidhowrka qaranka oo uu haatan madax uyahay Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye] ayaa waxaa ansixiyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya 3-da bishii Agoosto ee sanadkaan kadib markii la eryay masuulkii ka horeeyay.

Waajibaadka xafiiskaan ayaa ah dabagal, kormeerid iyo soo saarida xaqiiqooyinka saxda ah hadii hay’ad dowladeed lagu tuhmo musuq-maasuq, sida uu xeerinayo Dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM