Xildhibaan ka badbaaday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, fiidkii Jimcaha.

Saraakiil ka tirsan hay’addaha amaanka ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay gaari lagu soo rakibay qarax nooca dhejiska ah.

Ugu yaraan hal ruux, oo ahaa shacab wadada marayay, ayaa illaa iyo haatan la hubiyay ay waxyeelo kasoo gaartay dhacdadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gaari qarxay uu lahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ku jiray Masaajid halkaasi ka akdhowaa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa mudanaha magaciisa ku sheegtay Cabdi Waaxid oo u muuqda mid ka badbaaday isku la doonayay in lagu khaarijiyo.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyada qaraxaan balse kooxda Al-Shabaab ayaa ficilada noocaan ah looga bartay.

Waa falkii labaad oo liddi ku ah nabad-gelyadda oo ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya tan iyo markii lagu soo rogay xaaladda degdega ah.

Fiidnimadii Khamiista ayay ahayd markii qarax gaari oo lagu weeraray Kuliyada Ciidanka Booliska lagu dilay labo ruux, ayna ku dhaawacmeen 8 kale.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaasi ayaa shaaciyay in uu ka dhashay khasaaro 16 ruux ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM