Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudane ka tirsanaa Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe ku geeriyooday caasimadda wadanka ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Sidda ay wararku sheegayaan, Aadan Xasan Cali [Jamhuuriya] oo la filayo in maanta la aaso ayaa muddo la ildarnaa cudurka Sonkorta.

Jamhuuriya oo lagu daaweynaayey mid kamid ah Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaala madaxda waddanka ayaa ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda Aqalka Hoose ee xeer-dejinta.

Guddoonka golaha iyo mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa si tiiraanyo kaga tacsiyeeyey geerida marxuumka, iyagoo u rajeeyay naxariiste ALLE.

"Daris iyo saxiibo soo wada koray"

Cabdiraxmaan Odowaa, oo ay iska tirsanaayeen golaha shacabka kana kamid ah xubnaha muujiyey in ay murugada la wadaagayaan qoyska marxuumka, ayaa sheegay in ay hal meel kusoo wada koreen.

Odowaa oo mar soo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa hadalkaan kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

"Waxaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Xildhibaan Aadan Jamhuuriya. Xildhibaan Aadan waxaan ahayn daris iyo saxiibo ku soo wada koray xafadda Towfiiq, dagmada Yaaqshiid. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo," ayuu u qornaa falcelinta sharci-dejiyaha laga soo doorto degaanada Galmudug.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan fasax ku jira sababo la xiriira cabsida laga qabo faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona, kaas oo kiisaska laga helay guud ahaan dalka ay gaarayaan 116, oo u badan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM